Quran translations in many languages

Quran in Somalian

Al-ʽAlaq

Al-Alaq

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga)(2) Dadkana ka abuuray Calaq. (3) Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe. (4) Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro. (5) Dadkana baray waxayna aqoonin. (6) Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen. (7) Markuu isku ogaaday Hodontinnimo. (8)Eebaha xaggiisaase loo noqon. (9) Ka warrama midka ka reebaya. (10) Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda. (11) Balka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga)(12) Ama uu fari Eeba ka yaabid. (13) Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa)kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe)(14)Miyuusan ogayn in Eebe arko. (15) Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda. (16) Food beenaleey ah ghafna badan. (17) Ha u yeedho gargaarihiisa. (18) Waxaanu u yeedhi Malaa’ig darane. (19) Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).