Quran translations in many languages

Quran in Somalian

Al-Infitâr

Al-Infitaar

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Markay Samadu Dildillaacdo. (2) Xiddiguhuna daataan. (3) Badahana laysku furo. (4) Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii)(5) Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. (6) Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh. (7) Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. (8) Siduu doonana kuu sameeyey. (9) Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta. (10) Malaa’ig baana idin ilaalinaysa. (11)Oo sharaf leh waxna qori. (12) Ogna waxaad falaysaan. (13) Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima. (14) Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo. (15) Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta. (16) Kamana maqnaadaan Naarta. (17) Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa. (18) Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta. (19) Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.