Quran translations in many languages

Quran in Somalian

Al-Kâfirûn

Al-Kaafiroon

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaad dhahdaa, Gaalooy. (2) Ma caabudayo waxaad caabudaysaan. (3) Idinna ma caabudaysaan Eebahaan caabudi. (4) Mana caabudin waxaad caabuddeen, (5)Idinkuna (hadda) ma caabudaysaan Eebahaan caabudi. (6) Idinkana Diintiina yaad leedihiin, Anna Diintaydaan leeyahay.