Quran translations in many languages

Quran in Somalian

Al-Layl

Al-Lail

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo. (2) Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto)(3) Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba. (4) In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay. (5) Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada. (6)Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal)(7) Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican)(8) Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya». (9) Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal)(10)Waxaan u fududaynaa Jidka xun. (11) Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo. (12) Annagaa wax hanuuninna. (13) Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh. (14) Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran. (15) Oosan galaynin Ruux xun mooyeen. (16) Oo xaqa beeniyay jeedsadayna. (17) Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada. (18) Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo. (19) Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin. (20)Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya. (21) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.