Quran translations in many languages

Quran in Somalian

An-Nâs

An-Naas

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaad dhahdaa «Nabiyow» waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya. (2) Ee dadka xukuma. (3) Ee ah Ilaaha dadka. (4) Sharka «iyo xumaanta» waswaasiyaha qarsoon. (5) Ee waswaasiya laabta «Qalbiga» dadka. (6) «Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba.