Quran translations in many languages

Quran in Somalian

At-Târiq

At-Taariq

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura. (2) Ma taqaan Xiddigga guura. (3) Waa Xiddig ifa. (4) Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag)(5) Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray. (6) Waxaa laga abuuray Biyo booda. (7) Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood. (8)Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada)(9)Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon. (10)Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. (11) Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh. (12) Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo)(13) Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta)(14) Ciyaarra ma aha (ee waa dhab)(15)Gaaladu waxbay dhakri. (16) Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin)(17) Ee u sug Gaalada wax yar.